Puntland Ministry of Planning

August 6, 2025

WASIIRKA OO SHIR-GUDOOMIYAY KULANKA DAWLADDA IYO HAY’ADDAHA CAALAMIGA AH

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa shir-gudoomiyay shirka hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa dawladda Puntland oo Garoowe ka qabsoomey.

Kulanka waxaa looga wadlay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee dawladda Puntland iyo hay’addaha caalamiga ah, ee dhinacyada horumarinta arrimaha samafalka iyo mashaariicda.

Dawladda Puntland waxay diyaar u tahay inay si toosa arrimaheeda gudaha ugala macaamisho cid walba oo ay qusayso, waxayna soo dhawaynaysaa xiriir toosa oo dhex mara dawladda iyo hay’addaha caalamiga ah, si loo xoojiyo adeegga bulshada loo hayo.

Share:

More Posts

Send Us A Message