Puntland Ministry of Planning

August 6, 2025

WASIIR DAWLAHA OO DHAGAX-DHIGAY CEEL-BIYOODKA DEEGAANKA XAMUR

Wasiir dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Faarax Maxamud Aw-Cismaan iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Siciid Salaad oo ay weheliyaan iyo Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Bashiir Macalim Daahir ayaa dhagax dhigay ceelka cusub ee deegaanka Xamur Garooowe gobolka Nugaal.

Ceel-biyood kan Cusub oo looga gol-leeyahay in uu wax ka badalo baahida biyood ee deeganka Xamur, iyada oo ay ka faa’iideysanayaan xoola dhaqatada ku xerran dhul-daaqsimeedka Xamur.

Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka Degaanka Xamur ayaa uga mahadceliyay Dowladda Puntland inay helaan ceel-biyood cusub oo wax ka bedeli doona baahida biyaha deegaanka.

Share:

More Posts

Send Us A Message