Waxaa muhiim ah in la xuso dakhliga sannadkii u dambeyey DFS ay aheyd ku dhowaad 1 bilyan oo 70% ay ku deeqdey aduunyada, Puntland ay aheyd 120 milyan oo doolar, una dhiganta in ka yar 10% dakhliga DFS.Waxaa xusid mudan in Dawladda Puntland ay shanti sano ee u dambeeyey oo keliya ku guuleysatay in ay dhaqaalo dhan $36.5 milyan oo kamid lacagta canshuur bixiyaasha lagu maalgeliyey dhismaha iyo dayactirka wadooyinka iyo buundooyinka hal-bowlaha ah.” Hon. Da’ud Mohamed Bisinle Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland.
