Wasiiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland Mohamed Hassan Ibrahim oo uu weheliyo Agaasime guud ee Wasaaradda Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa furay shir looga hadlayey xoojinta qorsheynta dhaqaale ee xogta ku saleysan, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saarayey diyaarinta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta dawladda Puntland (PDP-4) ee sannadaha 2026–2030.
Intii uu kulanku socday ayaa lays waydaarsaday aragtiyo, aqoon iyo khibrado la xiriira hirgelinta hababka casriga ah ee Qorsheynta Maaliyadeed ee Isku-dhafan (INFF) iyo Moodeelka Dhaqaale ee La Tirakoobi Karo (CGE), kuwaasoo lagama maarmaan u ah xoojinta hufnaanta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gaarka loo leeyahay.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi wadashaqeyn, wada-tashi iyo faham guud ah oo dhaxal-gal ah. Dhammaan ka qaybgalayaashii kulanka ayaa muujiyay diyaar-garow buuxa, hufnaan iyo dhiiranaan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la jaanqaadidda hababka casriga ah ee INFF iyo CGE.
Kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka kala socday Wasaaradda Qorsheynta, Maaliyada iyo wakiilo iyo khubaro ka socda hay’adda UND



