Puntland Ministry of Planning

August 6, 2025

DIYAARINTA QORSHAHA 4-AAD EE HORUMARINRA PUNTLAND OO GABOGEBO MARAYA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa maanta warbixin ka dhagaystay Khuburada loo xil saaray diyaarinta Qorshaha afaraad ee Horumarinta Dawladda Puntland (#PFDP⁴)

Diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland oo dhamaad ku dhaw, waxa uu si dhaba uga turjumayaa nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada miyiga iyo magaalooyinka Puntland, dhawaan ayaana Wasaaradda Qorsheyntu soo bandhigi-doontaa.

Wasiirka oo warbixinta soo koobista iyo diyaarinta qorshaha ka dhagaystay khubadada gacanta ku haysa ayaa ku bogaadiyay sida ay usoo diyaariyeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland.

Share:

More Posts

Send Us A Message