Puntland Ministry of Planning

August 5, 2025

DIYAARINTA QORSHAHA 4aad ee HORUMARINTA PUNTLAND & LA TASHIGA DEGMOOYINKA

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka ambabixisay hawlwadeeno degmooyinka ka sameynaya wadatashiyad qiimeynta baahiyaha iyo jaangoynta baraamijyada hortabinta u leh deegmooyinka.

Dawladda Puntland oo hogaaminayso Wasaaradda Qorsheynta waxay ku hawlantaha diyaarinta Qorshaha 4aad ee Horumarinta Puntland (2025-2029), madaama qorshii 3aad dhamaaday 2024.

Qorshiihii hore oo guulo waawweyn laga gaaray qeybaha dimuqraadiyeynta iyo maamul daadajinta, iyo dhanka horumarint kaabyaasha. Qorshaha cusub waxaa diirada lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo Wax-sosaarka gudaha si loo dhimo saboolnimada iyo shaqo la’aanta. Hanaanka diyaarinta qorshaha cusub wuxuu noqonayaa mid ku dhisan la tashiyo laga soo bilaabayo heer bulsho iyo degmo.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim oo uu weheliyaan Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa hawlwadeenada kula dardaarmay inay soo aruuriyaan xogta dhabta ah ee nolosha bulshada gobolada iyo deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxay madaxda gobolada iyo degmooyinka ugu baaqeen inay fududeeyaan shaqada la tashiga maamulka iyo bulshada degmooyinkooda.

Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa ka go’aan diyaarinta qorshe dhab ah oo ka turjumaya nolosha bulshada, iyada oo fulinayo yoolasha Xukuumadda Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ee horumarinta dhaqaalaha iyo maamul wanaagga, dhimista xaaladaha saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

Share:

More Posts

Send Us A Message