Puntland Ministry of Planning

August 6, 2025

MADAXWAYNE KUXIGEENKA OO KORMEER SHAQO KU YIMI WASAARADDA QORSHEYNTA

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer shaqo ku yimi xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, waxaana kusoo dhoweeyeen masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Daud Mohamed Omar ayaa Madaxwaynaha la wadaagay warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee Wasaaradda, sida diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland oo gabo-gabo maraya iyo mashaariicda horumarineed ee Wasaaraddu Qorsheysay, kana socda deegaanada iyo gobolada Puntland.

Share:

More Posts

Send Us A Message