Puntland Ministry of Planning

August 5, 2025

WASIIR DAWLAHA OO KA QAYBGALAY TABABARKA XIRFADDA KALUUMEYSIGA DHALINYARADA MAGAALADA BOOSAASO

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Faarax Maxamuud Awcismaan ayaa magalada Bosaso kaga qayb galay tababarka xirfadda kaluumaysiga oo arday gaaraysa 100 dhalinyo ku barteen cilmiga badda iyo kaluumeysiga.

Tababarkan oo uu bixiyay Machadka SMAFSI, waxa taageerayay mashruuca Saameynta (Impact Project) ee ay iska kaashanayaan hay’adaha UNDP, IOM iyo UN-Habitat, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha shaqo ee dhallinyarada deegaanka, gaar ahaan kuwa ku tiirsan khayraadka badda, ardada ayaana loo tababaray afar qaybood oo muhiim ah:

1. Hagaajinta iyo dayactirka motoorrada badda

2. Hagaajinta iyo daryeelka shabaagaha

3. Wadista iyo kalluumaysiga doonyaha

4. Qalidda, kaydinta iyo hagaajinta kalluunka.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in la xoojiyo aqoonta bulshada deegaanka ee dhinaca kalluumaysiga, si kor loogu qaado ka faa’iidaysiga khayraadka badda, loona abuuro fursado shaqo oo waara, xalna u noqda shaqo la’aanta dhalinyarada.

Munaasabadda qalinjabinta waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee mashruuca teegeeray waxaana ka mid ahaa.

Share:

More Posts

Send Us A Message