WASIIR KUXIGEENKA OO KA QAYBGALAY KULANKA BAARISTA WAXQABADKA MASHRUUCA BARWAAQO
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Mohamed Hassan Ibrahim oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa ka qaybgalay kulanka baarista Hantidhawrka Guud ee waxqabadka mashruuca Barwaaqo qaybtiisa kowaad oo horey loo oran jirey Biyoole.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dawladda oo bilaabey baarista waxqabadyada mashaariica (Performance Audit) ayaa mashruuca Barwaaqo u doortay inuu noqdo midka kowaad ee lagu samaynayo qiimeynta waxqabka iyo sugnaanshaha hab-fulinta ugu wanaagsan ee uu marey mashruucu.
Madaxda Mashruuca Barwaaqo oo Hantidhawrka Guud la wadaagay guulaha laga gaarey wajiga kowaad ee mashruuca ayaa soo dhaweeyay baarista waxqabadka mashaariicda horumarinta ee Xafiiska Hantidhawrka Dawladda Puntland bilaabay.


