Puntland Ministry of Planning

August 2, 2025

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa ka qaybgalay shirweyne lagu soo bandhigayo xogta dhulka Puntland, sida biyaha , dhirta, deegaanka iyo isbedelka cimilada oo ay soo diyaarisay hay’adda maamulka xogaha Biyaha iyo Kheyraadka dhulka Puntland ee IMC.

Shirka oo socon doona (22-23 June 2025) waxaa lagu soo bandhigay furitaankiisa xogo lagu ururiyey sahan cir iyo dhul laga sameeyay oo la xiriira Biyaha Puntland, Dhirta , deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland. Xogtaasi oo muhiimad gaar ah u leh Hay’adaha Dowladda si ay ugu go’aan qaataan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Hay’adda IMC iyo Wakiillo ka socda Hay’adaha ay wada shaqeeyaan, khuburo xaga xogaha iyo deegaanka ah iyo marti sharaf kale .

Share:

More Posts

Send Us A Message