Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle ayaa ka qaybgalay shirka wadatashiga dawladda Puntland iyo hay’adda Save the Children oo uu daahfurey Madaxwayne kuxigeenka dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Shirka waxaa lagu falaan-qeeyay iswaafajinta iyo wadashaqaynta qorshe hawleedka hay’adda Save ee 2025- 2027 iyo kan dawladda Puntland ee horumarinta qorshaha 4-aad oo dhawaan lasoo gabagabeyn-doono, lana soo bandhigi-doono.
Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa ku bogaadiyay, ugana mahadceliyay madaxda hay’adda Save the Childreen wadashaqaynta dhaw ee ay la leedahay dawladda iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay gobolada iyo deegaanada Puntland.


