WASIIRKA OO KULAN LA QAATAY AGAASIMEYAASHA WASAARADDA
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa kulan la qaatay Agaasime Waaxeedka Wasaaradda.
Kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta qorshayaasha horumarineed iyo hawlasha shaqo ee Wasaaradda , adkeynta wadashaqeynta guud ee Waaxyaha si loo hormariyo hawlaha muhiimka ah ee bulshada loo hayo.


