Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo uu weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mohamed Hassan Ibrahim iyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa shir-gudoomiyay kulan muhiima oo looga hadlayay dardargelinta hawlaha ee Wasaaradda Qorsheynta iyo u adeegista bulshada.
Kulanka waxaa lagu falaanqeeyay qorsheyaasha horumarineed ee Wasaaradda, guulaha la gaarey, kuwa hadda qorsheysan, caqabadaha iyo fursadaha ku gadaaman shaqooyinka Wasaaradda, gaar ahaan diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland oo Wasaaraddu gacanta ku hayso.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa oo ka qaybalay Agaasime Waaxeedyada iyo Khubarada Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland.

