Puntland Ministry of Planning

August 2, 2025

WASIIRKA OO SHIR-GUDOOMIYAY KULANKA DAWLADDA IYO HAY’ADDA FAO

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland ayaa shir-gudoomiyay shirka hay’addaha dawladda iyo hay’adda Fao oo ka qabsoomey xarunta Wasaaradda Qorsheynta.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqaynta Fao iyo hay’addaha dawladda, gaar ahaan kuwa wadashaqayntu kala dhaxeyso ee fuliya mashaariicda horumarineed ee hay’addu taageerto.

Sidoo kale waxaa shirka lagu falaanqeeyay iswaafajinta qorshaha horumarinta dawladda Puntland iyo midka shaqo ee hay’addu kaga hawlgasho gobolada iyo deegaanada Puntland, iyadoo xoogga la saarayo dhinacyada diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland oo shantii sanaba mar la qabto.

Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda Wasaaradaha wadashaqaynta laleh hay’adda Fao, Madaxtooyada dawladda Puntland iyo madaxda hay’adda Fao.

Share:

More Posts

Send Us A Message