Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim iyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa shir-gudoomiyay kulan muhiima oo u dhaxeeyay dawladda Puntland iyo hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala gudaha Puntland.
Kulanka waxaa looga wada-hadal xoojinta wadashaqaynta dawladda iyo hay’addaha, isku-dubbaridka arrimaha deeqaha iyo gargaarka, taageerarada qorsheyaasha horumarineed ee dawladda, dib u habeynta mashaariicda mudnaanta uleh bulshada iyo qodobo kale oo muhiima.
Shirka waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Hantidhawrka guud ee dawladda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo madax katirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda.


