Puntland Ministry of Planning

October 4, 2025

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Mohamed Hassan Ibrahim, Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa shir-gudoomiyay kulanka dib u eegista mashruuca horumarinta iyo tayeynta kaluumeysata xeebaha dawladda Puntland (Fisheries Project Terific) oo ay fulineysay Wasaaradda Kaluumeysiga oo kaashaneysa hay’adaha WFP iyo NRC.

‎Kulanka waxaa lagu falaanqeeyay guulaha laga gaarey masharuuca oo laga fuliyay degmada Banderbayla, qorsheyaasha kale ee horumarinta kaluumeysatada xeebaha Puntland iyo sidoo loo heli-lahaa mashaariic horumarineed oo ay ka faa’iideystaan bulshooyinka degmooyin xeebeedka dawladda Puntland.

‎Kulanka waxaa ka qeybgaley madax ka socota hey’adda WFP iyo NRC, Agaasimeyaal iyo saraakiil katirsan labada Wasaaradood ee Qorsheynta iyo Kaluumeysiga.

Share:

More Posts

Send Us A Message