Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mohamed Hassan Ibrahim oo xarunta dhexe ee Wasaaradda kusoo dhaweeyay wafti sare oo ay hogaamineysey Ku-xigeenka Wakiilka Denmark ee Somalia ahna Madaxa Iskaashiga ee safaarada Marwo Gertrud Norbjerg.
Kulanka oo muhiimad gaara lahaa ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashiga Dawladda Puntland iyo safaaradda Denmark ee Soomaaliyada, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada horumarinta iyoqorsheyaasha dawladda iyo dhaqan dhaqaalaha bulshada Puntland.




