WASIIRKA OO SOO DHAWEEYAY WAFTI KA SOCDA SAFAARADDA SWITZERLAND EE SOOMAALIYA
Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim iyo Wasiir dawlaha Faarax Maxamuud Awcismaan oo xarunta dhexe ee Wasaaradda kusoo dhaweeyay wafti sare oo ka socda safaaradda Switzerland ayaa sidoo kale kulan kula qaatay Wasaaradda.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen madax katirsan Wasaaradda Caafimaadka dawladda Puntland, waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee dawladda Puntland iyo safaaradda Switzerland ee Soomaaliyada, iyada oo diiradda laga saarayo dhinacyada horumarinta qorsheyaasha dawladda iyo dhaqan dhaqaalaha bulshada Puntland.






