Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Hon. Da’ud Mohamed Bisinle oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah ayaa maanta soo xiray tababarka awood dhiska shaqaalaha waaxyaha Qorsheynta iyo Dabagallada ee Wasaaradaha Dowladda Puntland.
Tababarkaan oo socday mudo shan cisho ah, waxaa soo agaasimay Wasaaradda Qorsheynta, ujeedada ayaana ahayd in la helo hawlwadeeno ku qabalaysan aqoon, hufnaan iyo hawlkarnimo shaqo si loo hormariyo hawlaha shaqo ee dawladda iyo adeegista bulshada.
Wasiirka oo soo xirey tababarka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay bulshada uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen, isagoo a xusay in dawladdu sii waddi-doonto tayaynta shaqaalaha iyo kor u qaadista xirfadooda.


